Wednesday, April 29, 2026

DFS oo ka digtay saldhig militari oo Israa’iil ka dhisan karto Berbera

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay in dhulka dalka loo adeegsado meel laga bilaabo hawlgallo militari oo ka dhan ah dalal kale, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Israel ay qorshaynayso inay saldhig ciidan ka dhisto magaalada Berbera ee maamulka Somaliland, si duullaan looga qaado kooxda Houthis ee dalka Yemen.

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Cali Cumar Cali (Cali Balcad) ayaa sheegay in Soomaaliya aysan ogolaan doonin in dhulkeeda loo adeegsado falal militari oo khatar gelin kara amniga gobolka.

“Soomaaliya ma rabto in dhulkeeda lagu soo jiido iska-horimaadyo dibadeed ama loo adeegsado siyaabo xasilooni darro gelin kara gobolka oo horeba u nuglaa,” ayuu yiri Cali Balcad oo la hadlay Al Jazeera Khamiistii.

Digniinta ka timid Mogadishu ayaa timid kadib markii warbaahinta caalamiga ah ee Bloomberg iyo idaacadda dadweynaha Sweden ee Sveriges Radio Ekot ay soo weriyeen qorshe la sheegay in Israa’iil ku doonayso inay saldhig militari ka sameysato agagaarka magaalada istaraatiijiga ah ee Berbera oo ku taalla Gacanka Cadmeed.

Warbixinnadan ayaa soo baxay iyadoo xiisadda dagaal ee u dhexeysa United States, Israa’iil iyo Iran ay sii xoogaysaneyso, iyadoo marinka Strait of Hormuz la xiray, halka kooxda Houthis ee Yemen ay sheegtay inay diyaar u tahay inay dagaalka ku biirto.

Dhanka kale, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Khadar Cabdi oo wareysi siiyay Bloomberg ayaa sheegay in Somaliland ay doonayso xiriir istaraatiiji ah oo ay la yeelato Israa’iil. Wuxuu intaas ku daray in arrinta saldhig militari aan weli si rasmi ah looga wada hadlin, balse mustaqbalka la falanqayn karo.

Cali Balcad ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay hay’adda keliya ee sharci ahaan u matali karta dalka marka laga hadlayo heshiisyada amniga iyo militariga ee caalamiga ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in horjooge sare iyo xubno kale lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal iyo duqeymo ka...

Janan oo abaabul ciidan ka wada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland,...

Wafdi ka socda Q.M oo gaaray Baydhabo

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed...

Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ka sharaya arrimaha doorashooyinka

Kulanka muhiimka ah ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya...

Pakistan oo cadaadis diblumaasiyadeed saaraysa sii deynta badmaaxayaal lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Pakistan ayaa xoojisay dadaallada diblumaasiyadeed iyo kuwa badeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles