Saturday, June 13, 2026

Israel oo duqeymo ku dishay shan weriye iyo dad kale oo ku sugnaa Gaza

Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan Gaza, iyagoo shan wariye ku dilay weerar lagu qaaday baabuur ay wateen oo marayay bartamaha xerada qaxootiga ee Nuseirat.

Sidoo kale Israel ayaa duqeymo ku dilay shan rayid ah oo ku sugnaa dhismo ay deggan yihiin oo ku yiillay waqooyiga magaalada Gaza,waxaana weerarkaasi dambe lagu la’yahay ugu yaraan 30 qof.

Dhakhaatiirta Gaxa ayaa sheegaya in saddex carruur ah oo joogay xero lagu soo barakacay  oo ku taal koonfurta Gaza ay u dhinteen qabowga daran ,kadib kolkii Israel ay hor-istaageen cuntada, biyaha iyo sahayda jiilaalka ee ay u baahan yihiin dadka reer Falastiin.

Milatariga Israa’iil ayaa xoojiyay duullaanka ay ku hayaan xerada qaxootiga Tulkarem ee Daanta Galbeed maalin kadib markii ay halkaas ku dileen siddeed qof.

Kooxda Xamaas ayaa Israa’iil ku eedeysay in ay keeneen shuruudo cusub oo la xiriira  wada-hadallada xabbad-joojinta ee socda,halka xafiiska ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu isna ku eedeeyay kooxda Falastiiniyiinta in ay abuureen caqabado cusub.

Dagaalka Israa’iil ee Gaza waxaa lagu dilay ugu yaraan 45,361 falastiiniyiin ah, waxaana ku dhaawacmay 107,803 tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii  2023.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Koofur galbeed oo soo saartay go’aano amni oo lagu sugayo Baydhabo

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Madaxweynaha Somaliland oo beri tagaya Israa’iil

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed...

Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab Ku Qaadday Saldhig Ku Yaalla Mandheera

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa ka hortagay weerar habeenimo oo...

FBI-da Oo Gacanta Ku Dhigtay Soomaali Lagu Eedeeyay Musuqmaasuq Ka Badan $4 Milyan

Hay’adda Baarista Federaalka Mareykanka ee FBI-da ayaa shaacisay inay...

22 dal oo digniin wadajir ah u diray Iiraan`

Labaatan iyo laba dal, oo ay ku jiraan Mareykanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles