Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay shir looga hadlay xaaladda guud ee amniga deegaannada Hirshabeelle, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida.

Hoggaamiyaha ayaa bogaadiyay saraakiisha, ciidamada iyo dhammaan laamaha amniga, isaga oo ku ammaanay dadaalka, kartida iyo xilkasnimada ay muujiyeen, gaar ahaan doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaateen sugidda amniga muddadii ay socotay doorashadu.

Mudane Cali Guudlaawe ayaa xusay in dadaallada iyo hawlaha ay fuliyeen laamaha amnigu ay muujinayaan sida ay uga go’an tahay ilaalinta nabadda, amniga iyo xasilloonida guud ee deegaannada Dowladda Hirshabeelle.

Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha ayaa faray laamaha amniga inay sii laba-jibbaaraan dadaalladooda, xoojiyaan wada-shaqeynta iyo feejignaanta, isla markaana ay si joogto ah uga shaqeeyaan ka hortagga falalka amni-darrada, si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasillooni ay ku naaloodaan dhammaan shacabka Hirshabeelle.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

Khayre oo MW Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu ciidanka u adeegsaday dano siyaasadeed

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles