Dagaalka u dhexeeya Iran iyo isbahaysiga Maraykanka iyo Israa’iil ayaa galay maalintii 15-aad, iyadoo ay socdaan weerarro culus oo ay isweydaarsanayaan dhinacyada dagaallamaya.
Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraanayaa sheegay inay habeenkii Jimcaha fuliyeen weerarkii ugu xooganaa ee ay ku qaadaan Israa’iil tan iyo markii uu dagaalku billowday, iyagoo adeegsaday gantaallo ay ka mid yihiin Khorramshahr, Kheibar Shekan, Emad iyo Qadr. Weerarradaas ayaa lagu bartilmaameedsaday magaalooyin ay ka mid yihiin Tel Aviv, Haifa iyo Caesarea, waxaana la sheegay in lagu fuliyay iskaashi lala yeeshay Hezbollah ee dalka Lubnaan.
Warbaahinta Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay in gantaal ku dhacay gobolka Negev, halka shilal kale ay ka dhaceen magaalada Lod kadib markii ay ku dhaceen jajabyo gantaallo ah, taasoo sababtay dab iyo dhaawacyo.
Dhanka kale, Ciidanka Difaaca Israa’iil ayaa sheegay inay weerareen in ka badan 150 bartilmaameed oo ku yaalla gudaha Iran, oo ay ku jiraan goobaha lagu kaydiyo gantaallada ballistikada ee galbeedka iyo bartamaha dalka.
Sidoo kale, madaxweynaha Donald Trump ayaa sheegay in Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka ay fuliyeen mid ka mid ah duqeymihii ugu xooganaa ee taariikhda Bariga Dhexe, isagoo sheegay in gebi ahaan la burburiyay bartilmaameedyo militari oo ku yaalla Khark Island. Si kastaba, ilo ka tirsan Iran ayaa sheegay in difaacyadii cirka ee jasiiradda dib loo hawlgeliyay saacad kaddib weerarka.
Dhanka kale, Iran ayaa la sheegay inay diyaarad dron ah ku weerartay safaaradda Maraykanka ee Baagdaad ee dalka Ciraaq, iyadoo weerarradaas ay sabab u noqdeen in la xiro qaar ka mid ah xarumaha diblomaasiyadeed ee Maraykanku ku leeyahay Bariga Dhexe.
Dagaalka ayaa sidoo kale saameyn dhaqaale oo weyn ku yeeshay dalalka Khaliijka, kuwaas oo lagu qiyaasay inay lumiyeen in ka badan 15 bilyan oo doollar oo ka imanayay dhoofinta shidaalka tan iyo markii uu dagaalku billowday. Khasaarahan ayaa ka dhashay xirnaanshaha marin-biyoodka Strait of Hormuz, halkaas oo malaayiin foosto oo saliid ah ay ku xanniban yihiin badda, iyagoo aan gaari karin suuqyada caalamka.
Xirnaanshaha qaar ka mid ah garoomada diyaaradaha iyo hoos u dhaca dhaqdhaqaaqa ganacsiga ayaa sidoo kale dhaawac weyn ku keenay dhaqaalaha dalalka Khaliijka.


