Donald Trump ayaa ku boorriyay UK iyo dalalka kale inay maraakiib dagaal u diraan marin biyoodka Hormuz si ay gacan uga geystaan sugidda marinka muhiimka ah ee maraakiibta ee ka baxaya Bariga Dhexe.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in uu rajaynayo in dalalka China, France, Japan iyo South Korea ay sidoo kale maraakiib u soo diraan marinka, halkaas oo la sheegay in tiro maraakiib ah lagu weeraray tan iyo markii Maraykanka iyo Israa’iil ay qaadeen dagaalka ka dhanka ah Iran labo toddobaad ka hor.
Iyadoo ka jawaabeysa hadalka Trump, Wasaaradda Difaaca UK waxay sheegtay inay kala hadlayso xulafada “doorashooyinka kala duwan ee lagu xaqiijinayo ammaanka maraakiibta gobolka”.
Tehran ayaa sheegtay inay sii wadi doonto xannibaadda marinka – kanaalka maraakiibta shidaalka ee ugu mashquulka badan adduunka kaas oo qiyaastii 20% sahayda shidaalka adduunka ay inta badan maraan.
Xiritaanka marinkaas iyo weerarrada lagu qaaday maraakiibta iyo kaabayaasha tamarta tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay, waxay keentay kor u kac weyn oo ku yimid qiimaha shidaalka adduunka.


