Monday, March 16, 2026

Maalqabeen Turki ah oo lala xiriirinayo Al-Shabaab oo maxkamad la soo taagay Kenya

Booliska la-dagaallanka argagixisada ee dalka Kenya ayaa shaaciyay inay baaritaan ku bilaabeen muwaadin Turki ah oo lagu magacaabo Osman Erdinc Elsek, kaas oo lagu tuhunsan yahay inuu dhaqaale ku taageeray maleeshiyaadka Al-Shabaab isla markaana dhowr jeer tegay deegaanno ay kooxdaasi ka taliso gudaha Somalia.

Elsek oo ah maalqabeen kasoo baxsadey dalka Turkey ayaa ku sugnaa magaalada Nairobi, halkaas oo uu ka dalbaday magangalyo siyaasadeed. Si kastaba, waxaa loo gudbiyay maxkamad ku taalla magaalada Mombasa, halkaas oo dacwad ka dhan ah lagu soo oogay.

Sida ay sheegeen xafiiska dacwad-oogaha guud ee Kenya, Elsek ayaa la horgeeyay Garsoore David Odhiambo, waxaana lagu eedeeyay inuu xubin ka yahay kooxda Al-Shabaab, taas oo ka hor imaanaysa sharciga la-dagaallanka argagixisada ee Kenya.

Dukumentiyada maxkamadda ayaa muujinaya in bishii Janaayo 2026 uu muuqaal ka duubay saldhig boolis oo ay leeyihiin ciidamada la-dagaallanka argagixisada ee ku yaalla Mombasa, iyadoo la tuhunsan yahay in muuqaalkaasi loogu talagalay falal argagixiso.

Sidoo kale, dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in 12-kii Janaayo 2026 Elsek lagu qabtay deegaanka Majengo Kanamai ee gobolka Kilifi isagoo wata bastoolad nooca Glock ah, taas oo shaki laga muujiyay ujeeddada uu u watay.

Dacwadda waxaa sidoo kale lala xiriiriyay nin kale oo lagu magacaabo Gokmen Sandikci, kaas oo lagu eedeeyay inuu la socday Elsek xilli uu haystay hub sharci darro ah.

Xeer-ilaalinta oo uu hoggaaminayay qareen Barbara Sombo ayaa maxkamadda ka codsatay in labada eedeysane laga qaado baasaboorradooda ilaa inta ay dacwaddu ka dhammaaneyso, isla markaana la diyaariyo taariikh kale oo maxkamadeed si loo soo gudbiyo caddeymo iyo marqaatiyo.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay sii laba-jibaareen dadaallada lagu xakameynayo maalgelinta kooxaha argagixisada ee ka howlgala gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

KGS oo diiday in la daaweeyo dhaawacyada iyo amar la dhigay saraakiisha ciidamada

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo rogtay amaro dheeraad ah...

Xildhibaannada Soomaaliya ee ku metelaya ururka EALA oo lagu dhaariyay Arusha

Xildhibaanada Soomaaliya ee ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya ee Urur...

Lafta gareen oo Baydhabo ku laabanayo isagoo khilaaf kala dhexeeya DFS

Madaxweynaha maamulka Koofur galbeed Cabdiasis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa...

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ka walaacsan weerarada Iran

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Carabi Mohammed bin Salman iyo Madaxweynaha...

Koox hubeysan oo xalay nabadoon ku dilay Muqdisho

Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu dilay nabadoon Cali Xuseen...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles