Mareykanka oo dalalka qaar waajib uga dhigaya inay fiisaha ku bixiyaan dammaanad $15,000 ah

Muwaadiniinta ka imaanaya ilaa 50 dal ayaa maamulka Madaxweyne Donald Trump u uku waajibinayaa inay dhigaan dammaanad lacageed oo gaaraysa $15,000 si ay u codsadaan gelitaanka Mareykanka, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Arbacadii.

Sarkaalka diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in 12 dal lagu darayo liis horey uga koobnaa 38 dal oo kale, kuwaas oo intooda badan ku yaalla Afrika.

Barnaamijka dammaanadda fiisaha ee la ballaariyay ayaa ku khasbaya ajaanibta inay bixiyaan $15,000 si ay u helaan fiisaha nooca B1 ama B2 oo kala ah (ganacsiga iyo dalxiiska), ayaa dhaqan galaya 2-da Abriil. Ujeeddadu waa in laga hortago in dadka booqanaya dalkaasi ay ka badsadaan joogitaanka muddada fiisahooda, ayuu yiri sarkaalka.

Dalalka cusub ee lagu daray barnaamijka dammaanadda fiisaha waa: Cambodia, Itoobiya, Georgia, Grenada, Lesotho, Mauritius, Mongolia, Mozambique, Nicaragua, Papua New Guinea, Seychelles, iyo Tunisia.

Sarkaalka ayaa sheegay in lacagta dammaanadda dib loogu celin doono dadka fiisaha hela haddii ay si waafaqsan shuruudaha fiisaha u raacaan oo ugu laabtaan dalkooda, ama haddii aysan marka horeba safrin.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay bishii Janaayo ee la soo dhaafay, Trump oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa hirgeliyay siyaasad adag oo dhanka socdaalka ah, oo ay ka mid yihiin masaafurin balaaran, baabi’inta fiisooyinka iyo kaararka cagaaran, iyo baaritaanka qoraallada baraha bulshada iyo hadaladii ay horay u jeediyeen muhaajiriinta.

Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa cambaareeyay siyaasadaha socdaalka iyo safarka ee Trump, iyaga oo sheegay inay xaddidayaan dammaanadaha cadaaladda iyo xorriyadda hadalka. Donald Trump iyo taageerayaashiisa ayaa ku doodaya in siyaasadahaasi ay hagaajinayaan amniga gudaha Maraykanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles