Wednesday, July 29, 2026

Lafta gareen oo magacaabay Guddiga doorashada KGS

Madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa magacaabay guddiga  doorashooyinka ee maamulkaas, xilli uu taagan yahay khilaaf culus oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo K/Galbeed.

Guddigan oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Shuceyb Nuur Xuseen, iyadoo la faray inuu si deg-deg ah u howlgalo, isla markaana uu guda-galo waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Ujeedada dhismahan guddigan ayaa ah inuu si gaar ah uga shaqeeyo doorashada golaha wakiillada K/Galbeed iyo midda madaxweynaha, oo uu haatan muran ka taagan yahay, iskuna hayaan maamulka Lafta-gareen iyo mucaaradka K/Galbeed oo garab ka helaya dowladda dhexe.

Arrintan ayaa uga sii dareysa xiisadda labada dhinac oo isku rogtay gacan ka hadal, waxaana hadda ay u muuqataa in Lafta-gareen u bareeray in doorasho iskiis ah uu ku qabsado Baydhabo, isagoo qaaday waddadii Axmed Madoobe oo horay doorasho gaar ah ugu qabsaday Kismaayo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Trump oo markale ku hanjabey in uu si daran u weerari doono Iiraan

Fox News ayaa baahisay in Madaxweyne Donald Trump uu...

Mareykanka oo dib u habeyn Farsamo ku sameyay Liiska Cunaqabataynta iyo Xasan Daahir Aweys oo weli ku Jira

Waaxda Xakamaynta Hantida Shisheeye ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka (OFAC)...

MW Xasan Sheekh oo tagay dekedda Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tagay Dekedda...

DF oo si adag u cambaareysay weerarka lagu qaaday Masjidka Al-Aqsa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay duullaanka...

Dhalinyaro lagu xukumay Hindiya oo dalbaday in loo soo celiyo Soomaaliya

44 muwaadin oo Soomaali ah oo toddobaad ka hor...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles