Wednesday, July 29, 2026

Xildhibaano ka tirsan BFS oo taageeray guddiga doorashada uu magacaabay Lafta gareen

Xildhibaannadii ugu badnaa ee ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si cad u taageeray Madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kadib magacaabistii uu sameeyay ee Guddiga Doorashooyinka Koofur Galbeed, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka kala dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada taageerada muujiyay ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ku bogaadiyay dhismaha Guddiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Koofur Galbeed, isagoo ku tilmaamay tallaabo sharciyeysan oo muhiim u ah xoojinta dowladnimada iyo hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed.

Sidoo kale, Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal ayaa hambalyo u diray xubnaha cusub ee guddiga, halka Xildhibaan Maxamed Aadan Maxamed oo laga soo doorto Koofur Galbeed uu isna ammaanay dadaalka guddiga, isagoo xusay in ay muhiim u yihiin hirgelinta doorasho hufan, cadaalad ah, isla markaana ku dhisan rabitaanka shacabka.

Xildhibaano kale oo ka soo jeeda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa iyaguna si weyn u soo dhaweeyay guddiga cusub, taasoo muujineysa taageero ballaaran oo ka imanaysa qaybo kala duwan oo siyaasadeed.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in inta badan xildhibaanada taageeray Laftagareen ay ka soo jeedaan dhinacyada ku dhow Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo dhaliil u jeediyay qaabka ay dowladda Federaalka u wado arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka.

Madaxweyne Laftagareen ayaa hore u magacaabay guddiga doorashada oo ka kooban 9 xubnood, waxaana guddoomiye looga dhigay Shuceyb Nuur Xuseen. Guddigan ayaa loo xil saaray qabashada doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo tan madaxweynaha Koofur Galbeed.

Doorashadan uu qabanayo Laftagareen ayaa la rumeysan yahay inay gaabin karto rajadii laga qabay qabashada doorasho toos ah oo ay dowladda Federaalka damacsan tahay, iyadoo xilligan ay wado abaabul siyaasadeed iyo mid ciidan oo ka dhan ah maamulka Koofur Galbeed.

Dhanka kale, arrintan ayaa sii hurin karta xiisadda u dhexeysa dowladda Federaalka iyo maamulka Koofur Galbeed, iyadoo sidoo kale ay jiraan abaabulo ay wadaan xubnaha mucaaradka ee maamulkaas oo ka soo horjeeda hanaanka doorashada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Trump oo markale ku hanjabey in uu si daran u weerari doono Iiraan

Fox News ayaa baahisay in Madaxweyne Donald Trump uu...

Mareykanka oo dib u habeyn Farsamo ku sameyay Liiska Cunaqabataynta iyo Xasan Daahir Aweys oo weli ku Jira

Waaxda Xakamaynta Hantida Shisheeye ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka (OFAC)...

MW Xasan Sheekh oo tagay dekedda Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tagay Dekedda...

DF oo si adag u cambaareysay weerarka lagu qaaday Masjidka Al-Aqsa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay duullaanka...

Dhalinyaro lagu xukumay Hindiya oo dalbaday in loo soo celiyo Soomaaliya

44 muwaadin oo Soomaali ah oo toddobaad ka hor...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles