Saturday, May 23, 2026

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Iiraan oo beeniyay inuu wadahadal dhexmaray Trump iyo madaxda Iiraan

Madaxweyne Trump ayaa hadda shaaca ka qaaday  in ay jiraan wadahadallo wax ku ool ah oo ku saabsan xal dhammaystiran oo gebi ahaanba lagu soo afjarayo dagaalka Iiraan.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu dib u dhigay dhammaan weerarradii militari ee lagu beegsan lahaa xarumaha korontada iyo kaabeyaasha tamarta ee Iiraan muddo shan maalmood ah.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social, ayuu ku yiri; “ Waxaan ku faraxsanahay inaan sheego in Mareykanka iyo Iiraan ay labadii maalin ee la soo dhaafay yeesheen wada-hadal aad u fiican oo wax ku ool ah , kuwaas oo la xiriiray xal dhammeystiran oo gebi ahaanba lagu soo afjarayo colaadda bariga dhexe.”

Wuxuu intaa ku daray; “Anigoo ku saleynaya qaabka iyo codka wadahadalka, oo sii socon doona waxaan faray wasaaradda difaaca in ay dib u dhigto dhammaan weerarrada milatari ee lagu qaadi lahaa xarumaha korontada iyo kaabayaasha tamarta Iiraan, muddo shan maalmood ah , iyada oo ku xiran guusha wada-hadalka iyo kulamada socda.”

Hase ahaatee Wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan ayaa war-saxaafadeed ka soo baxay , waxaa lagu caddeeyay inaysan jirin wax wada-hadallo ah oo u socda Iiraan iyo Mareykanka , ka dib markii Trump uu sheegay labadii maalin ee u dambeysay inay dhaceen wada-hadallo wax-ku-ool ah, sida ay baahisay Al Jazeera.

Warsaxaafadeedka, waxaa kaloo lagu sheegay in hadallada Trump ay ujeedkoodu yahay in qiimaha tamarta hoos loo dhigo, isla markaana uu waqti u helo qorshihiisa militari.

Wakaaladda wararka Iiraan Fars, ayaa ka soo xigatay sarkaal ka tirsan dawladda Iiraan oo ka falceliyay hadalkii Trump.  Wuxuu yiri ;

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

xubno ka tirsan AS oo gobolka Sh/hoose lagu dilay

Wasaaradda gaashaandhiga XFS ayaa sheegtay in howlgal ka dhacay...

Maamulka koonfur galbeed oo war ka soo saaray dagaal xalay ka dhacay magaalada Baydhabo

Maamulka koonfur galbeed ayaa sheegay in fariisimaha ciidamda ay...

Xisbiga JSP oo Liibaan Shuluq u xushay iney ka dhigaan madaxweynaha Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa go’aansatay in ay hoggaaka Galmudug u...

Wasiirka Howlaha Guud ee Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles