Shiikh Shariif oo taageeray doorashada uu qabsanayo Laftagareen

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif shiikh Axmed ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu kaga hadlayo tallaabooyin uu qaaday Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo la xiriira magacaabista guddiga madaxbannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka maamulkaas.

Xisbiga ayaa sheegay in sida ku cad qodobka 120-aad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Somalia, arrimaha la xiriira dhismaha laamaha doorashooyinka iyo fulinta nidaamyada dowladeed ay tahay in lagu saleeyo dastuurka dowlad-goboleedyada. Sidaas darteed, Himilo Qaran waxay ku doodeysaa in loo baahan yahay in marka hore la dhammeystiro dastuurka Koonfur Galbeed ka hor inta aan la magacaabin guddiyada doorashooyinka, si looga fogaado jahwareer sharci iyo mid siyaasadeed.

Sidoo kale, xisbiga ayaa si cad u muujiyay inuu kasoo horjeedo waxa uu ku tilmaamay “faragelin siyaasadeed” oo ka imaanaysa dowladda federaalka, taasoo lagu sheegay inay saameyn ku yeelanayso madax-bannaanida dowlad-goboleedyada dalka. Waxay arrintan ku tilmaameen mid khatar ku ah nidaamka federaalka iyo kala dambeynta awoodaha dowladeed ee dalka.

Himilo Qaran ayaa sidoo kale cambaareeyay tallaabo kasta oo lagu xadgudbayo hannaanka dimuqraadiyadda iyo sharciga, iyagoo ku baaqay in la ilaaliyo habraacyada saxda ah ee doorashooyinka. Waxay carrabka ku adkeeyeen in aan la aqbali karin wax kasta oo dhaawacaya kalsoonida shacabka iyo hufnaanta nidaamka siyaasadeed.

Ugu dambeyn, xisbiga ayaa ugu baaqay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya inay hubiyaan in dowlad-goboleedyadu helaan waqti ku filan oo ay ku dhammaystiraan nidaamyadooda dastuuriga ah iyo doorashooyinka. Waxay sidoo kale xuseen in ay muhiim tahay in doorashooyinka lagu qabto si waafaqsan sharciga, si loo ilaaliyo midnimada dalka iyo ku dhaqanka dastuurka.

HOOS KA DAALACO WAR SAXAAFADEEDKA.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles