Thursday, July 30, 2026

Putin oo si cad u sheegay inuusan joojineyn taageerada uu siiyo Iran

Dowladda Russia ayaa si adag u beenisay warar sheegaya inay qorsheyneyso inay joojiso macluumaadka sirdoon ee ay la wadaagto Iran, haddii Mareykanku joojiyo taageerada uu siiyo Ukraine. Wararkan ayaa markii hore lagu daabacay wargeyska Politico, taasoo dhalisay hadal-heyn ballaaran oo ku saabsan xiriirka istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Moscow iyo Tehran.

Aqalka madaxtooyada Ruushka ee Kremlin ayaa si rasmi ah uga jawaabay warbixintaas, isagoo ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Kremlin-ka ayaa si kooban u yiri: “Arrintan waa been,” taasoo muujinaysa sida ay Moscow u diidan tahay sheegashadaas iyo inay doonayso inay caddeyso mowqifkeeda ku aaddan xiriirka ay la leedahay Iran.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu jiro muran caalami ah oo ku saabsan nooca iyo heerka taageero ee Iran ay ka hesho Russia iyo China. Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in iskaashiga saddexdan dal uu sii xoogeysanayo, gaar ahaan dhinacyada milatariga iyo sirdoonka, halka kuwo kale ay qabaan in xiriirkaasi uu weli leeyahay xad iyo xeerar siyaasadeed oo aan si buuxda u caddayn.

Sidoo kale, adkaysiga ay muujineyso Iran ee ku aaddan cadaadiska caalamiga ah ayaa noqday imtixaan weyn oo lagu eegayo sida Russia iyo China ay u garab istaagi karaan xulafadooda marka ay wajahaan xaalado adag. Ruushka, oo isagu durba ku lug leh dagaal uu kula jiro Ukraine, ayaa marar badan ku celceliyay inuu si siyaasadeed iyo diblomaasiyadeedba u taageerayo Iran, taasoo ka tarjumaysa isbahaysi sii xoogeysanaya oo ka dhex jira quwadaha qaar ee dunida.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

M/weyne Xasan Shiikh oo shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Taliye Shub oo hanjabaad culus u diray Aadan Madoobe

Taliyihii hore ee Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Taliyaha ciidamada Africom

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la...

Muhoozi oo ugu baaqay dalalka AUSSOM inay mideeyaan dadaallada

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda (CDF), General Muhoozi...

MW Xasan Sheekh oo maanta la kulmaya Taliyaha AFRICOM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles