Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay G/Sh/Dhexe

Ciidamada Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo lagu beegsanayay bar kontorool sharci-darro ah oo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Cali Farxaane, oo 10 km u jira Kuunya Baroow ee gobolka Shabeellada Hoose.

Howlgalkan oo si taxaddar leh loo qorsheeyay ayaa lagu soo khaarijiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaadka ku sugnaa barta kontoroolka.

Ujeeddada howlgalka ayaa ahayd in la burburiyo goobaha ay maleeshiyaadku canshuuraha sharci-darrada ah kaga qaadaan shacabka iyo gaadiidka mara waddooyinka, gaar ahaan jidka weyn ee isku xira Shabeellaha Hoose iyo Jubada Hoose.

Tallaabadan waxay si toos ah u xoojinaysaa xorriyadda isu socodka, ganacsiga, iyo badqabka bulshada ku nool labada gobol.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles