Liiska Xildhibaanada KGS oo la shaaciyay

Maamulka Koofur Galbeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska xildhibaanada Baarlamaanka 3-aad ee maamulkaasi, kadib marxalado kala duwan oo la xiriiray soo xulista iyo ansixinta xubnaha cusub.

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in liiskan uu ka kooban yahay xubno buuxiyay dhammaan shuruudihii looga baahnaa xildhibaannimada, isla markaana lagu soo xulay hannaan waafaqsan nidaamka iyo xeerarka u degsan maamulka. Tirada xildhibaanada ayaa gaareysa 95 mudane.

Mas’uuliyiinta guddiga ayaa tilmaamay in shaacinta liiskan ay muhiim u tahay dhameystirka hay’adaha dowlad goboleedka, ayna door weyn ka qaadan doonto dardargelinta howlaha siyaasadeed iyo kuwa horumarineed ee deegaanada Koonfur Galbeed.

Waxaa la filayaa in xildhibaanadan cusub ay dhawaan yeeshaan kulankoodii ugu horreeyay, kaas oo lagu dooran doono guddoonka Baarlamaanka, islamarkaana lagu guda geli doono doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, maanta ayaa lagu wadaa in la dhaariyo xildhibaanada cusub ee la shaaciyay.

Bulshada iyo daneeyayaasha siyaasadda ayaa si dhow ula socda geeddi-socodkan, iyagoo rajeynaya in uu noqdo mid hufan oo horseeda xasillooni siyaasadeed iyo horumar.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles