Monday, July 27, 2026

KGS oo MW Xasan Sheekh ku eedeysay inuu Ciidanka Danab iyo Gorgor geeyay Buurhakaba

Maamulka Koofur Galbeed ayaa shaacisay in cutubyo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Gorgor la geeyey qeybo kamid ah gobolka Baay, gaar ahaan deegaano ku dhow magaalada Baydhabo.

Guddoomiyihii Baarlamaanka Koofur Galbeed,haatan ka mid ah xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dr. Cali Saciid Fiqi, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X (Twitter) ku sheegay in ciidamadaasi loo daadgureeyey deegaannada ku xeeran Baydhabo. Wuxuu tallaabadan ku tilmaamay mid muujinaysa awood sheegasho.

Dr. Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyey in maamulka Koonfur Galbeed uusan aqbali doonin wax cabsi gelin ah, isagoo xusay in haddii dhaqdhaqaaqaasi la xiriirto cadaadis siyaasadeed, ay diyaar u yihiin inay si adag uga falceliyaan.

Dhaqdhaqaaqa ciidamada ayaa imaanaya xilli ay cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada, taas oo mararka qaar saameyn ku yeelata xaaladaha amni iyo maamul ee deegaanada.

Xaaladda gobolka Baay ayaa weli ah mid feejignaan leh, iyadoo laga cabsi qabo in khilaafka siyaasadeed uu isu rogo mid amni, taas oo si toos ah u saameyn karta shacabka ku nool deegaannadaas.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Milateriga Sudan oo shaaciyey guul ay gaareen

Ciidanka Suudaan ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen...

Iiraan oo u yeertay Safiirka Faransiiska u fadhiya Tehraan

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa ku dhawaaqday in...

Golaha Mustaqbalka oo Fariin Culus u diray dalalka Ciidamada ka Jooga Soomaaliya

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (Somali Future Council) ayaa warqad furan...

Uganda oo ku biirtay dalalka ku tartamaya codka Soomaaliya ee u sharraxan Xilka Xoghayaha Guud ee Q.M

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah ugu biirtay tartanka...

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya Kadib Wasiirro laga hor Istaagay Nairobi

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirka Kenya u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles