MW Xasan Sheekh oo weerar afka ah ku qaaday Lafta gareen

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka hadlay arrimaha siyaasadda iyo amniga dalka, xilli uu xarigga ka jarayay waddada Dabka ee aadda suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in qabiillo is biirsaday ay duulaan ku qaadayaan magaalada Baydhabo, isagoo ku tilmaamay arrintaas mid aan sal iyo raad lahayn.

“Reer hebel ayaa duulaan lagu yahay, reer hebel ayaa si gaar ah loo weerarayaa waa been,” ayuu yiri Madaxweynaha, isagoo ugu baaqay shacabka inay iyagu go’aan ka gaaraan aayahooda, islamarkaana aysan ku xirnaan hadallada siyaasiyiinta.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa eedeyn u jeediyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, isagoo sheegay inuu ka baxay heshiis hore oo dhinacyadu ka gaareen arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladda federaalka ay hayso caddeymo muujinaya heshiiskaasi, isla markaana aysan aqbali doonin wax dib u laabasho ah oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka.

“Nin heshiis nala galay oo aan caddeymo ka hayno ayaa hadda diidan, isagoo leh doorasho dadban ayaan rabnaa, balse taas waa laga soo gudbay lagumana laabanayo,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, wuxuu si adag u sheegay in waqtigii doorasho dadban uu dhammaaday, isla markaana dalka uu u gudbayo doorasho qof iyo cod ah.

“Doorasho dadban waqtigeedii waa dhamaaday, doorasho qof iyo cod ah ayaa la aadayaa, waana ku heshiinay dowlad goboleedyada, cid laga yeelayo wax kale ma jirto,” ayuu mar kale adkeeyay hadalkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ku kalsoonaadaan dowladda iyo hannaanka doorasho ee cusub, isagoo xusay in horumar iyo dowladnimo lagu gaari karo kaliya nidaam daahfuran oo ay shacabka si toos ah uga qeyb qaataan.

Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada, gaar ahaan maamulka Koonfur Galbeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles