Saturday, March 28, 2026

DFS oo war ka soo saartay doorashada ka dhacday Koofur Galbeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay doorashada maanta ka dhacday magaalada Baydhabo, taas oo lagu doortay hoggaan cusub oo maamulka Koonfur Galbeed ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in doorashadaasi ay ahayd mid “sharci-darro ah” isla markaana hore loo sii qorsheeyay, islamarkaana ay ka hor imaanayso heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka, xeerarka doorashooyinka iyo dastuurka dalka.

Dowladda ayaa tilmaantay in habka doorashada loo maray uusan ahayn mid hufan ama xor ah, iyadoo xustay in geeddi-socodka lagu soo afjaray muddo 24 saacadood gudahood ah, taas oo aan waafaqsanayn nidaamka dimuqraadiyadeed.

Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in tallaabadan ay sii xoojinayso tabashooyinka ka jira Koonfur Galbeed isla markaana ay dhaawaceyso dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-dhiska.

“Ma aqbali karno hannaan kasta oo sharci-darro, qasab iyo musuq siyaasadeed ku saleysan oo lagu daboolay magac doorasho,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta dastuurka, nidaamka federaalka, iyo hirgelinta doorashooyin xor, xalaal ah oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo ansixisay doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee Banaadir

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah...

Axmed Madoobe oo Hambalyo u diray Hoggaanka KGS

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa dhambaal hambalyo...

Lafta gareen oo markale loo doortay MW KGS iyo weerar uu ku qaaday Xasan Sheekh

Doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo oo ay sameeyeen maamulka...

Lafta gareen oo la guddoonsiiyay shahaadada Musharaximada ee MW KGS

Maamulka Cabdicasiis Laftagareen ee Koonfur Galbeed ayaa si degdeg...

MW Xasan Sheekh oo weerar afka ah ku qaaday Lafta gareen

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka hadlay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles