Taliyaha cusub ee Asluubta oo maanta xilka la wareegaya

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya, ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta iyo taliyaha cusub S/gaas Maxamed Sheekh Xasan (Xaamud).

Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, S/gaas Maxamed Sheekh Xasan (Xaamud), ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay, kaddib munaasabad xil-wareejin ah oo ka dhacday xarunta taliska Ciidanka Asluubta, gaar ahaan Xabsiga Dhexe ee magaalada Mogadishu.

Xilka waxaa ku wareejiyay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta, General Cilmi Waasuge Colow, oo wakiil ka ahaa taliyihii hore ee ciidanka.

Munaasabadda xil-wareejinta waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida, xildhibaanno, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, iyo marti sharaf kale.Mas’uuliyiintii goobta ka hadlay ayaa soo dhoweeyay taliyaha cusub, iyagoo uga mahadceliyay taliyihii hore shaqadii uu soo qabtay intii uu xilka hayay.

S/gaas Maxamed Sheekh Xasan (Xaamud) ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay u baahan yihiin dib-u-habeyn iyo horumar guud si ay u gutaan waajibaadkooda qaran.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles