Maamulka Koofur Galbeed ayaa si kulul ugu eedeeyay dowladda Turkiga (Türkiye) in ay ku lug leedahay hawlgallo militari oo ka dhan ah maamulkooda, iyagoo sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) loo adeegsaday weerarro lagu bartilmaameedsanayo ciidamadooda.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed, Cali Saciid Fiqi, oo shalay la doortay, ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay muujinayaan faragelin toos ah oo Ankara ku sameyneyso arrimaha gudaha Soomaaliya.
Wuxuu xusay in Turkiga uu ka gudbay kaalintii bani’aadamnimo iyo dib-u-dhiska, islamarkaana hadda loo arko inuu dhinac la safan yahay dowladda dhexe.
Sidoo kale, maamulka ayaa tilmaamay in baabuurta gaashaaman ee Turkiga siiyay Dowladda Federaalka lagu arkay hawlgallo ka socda Koonfur Galbeed, kuwaas oo la sheegay in loo adeegsaday ciidamo loo diray qabashada Madaxweynaha maamulkaas, Cabdicasiis Laftagareen.
Koofur Galbeed ayaa ku dooday in faragelinta Ankara ay imaneyso xilli loo baahnaa dhexdhexaadnimo iyo xakameyn siyaasadeed, iyagoo ugu baaqay Turkiga inuu ka fogaado tallaabo kasta oo u muuqata mid dhinac la safan.


