Sunday, July 26, 2026

Dagaal xooggan oo ka socda Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in goordhow uu halkaasi ka qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa la magac baxay Badbaadada Koonfur Galbeed iyo ciidamo taabacsan maamulka madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

Dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo si gaar ah loo maqlayo jugta hubka culus iyo rasaas xooggan oo ka dhaceysa afaafka hore ee magaalada, taasoo cabsi gelisay shacabka ku dhaqan deegaannada u dhow goobaha lagu dagaallamayo.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Federaalka oo ay wehliyaan kuwa mucaaradka ay weerar qorsheysan ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, iyagoo ka soo galay dhowr jiho, taasoo sii xoojisay culayska dagaalka.

Sidoo kale, waxaa cirka Baydhabo iyo nawaaxigeeda lagu arkayaa diyaarado Drone ah iyo kuwa qumaatiga u kaca, kuwaas oo la sheegay in ay qayb ka yihiin howl-galka militari ee ka socda halkaasi, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin cidda maamuleysa.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana jira cabsi laga qabo in dagaalka uu sii fido, iyadoo aan weli la helin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska horimaadka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Yahuudda la dajiyay Daanta Galbeed ayaa gubay masaajidyo, gawaari iyo beero

Saraakiil Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in Yahuudda la deegaameeyayay...

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen daroon lagu sameeyay Turkiga oo Sacuudigu isticmaalayay

Yahya Saree, oo ah afhayeenka xoogaga Xuutiyiinta Yemen, ayaa...

Iran iyo Maraykanka oo sheegay ‘in ay dib u bilaabayaan wadahadalada

Wakaaladda Wararka ee Anadolu ayaa, iyadoo soo xiganaysa ilo...

Puntland oo digniin u dirtay DFS iyo Galmudug

Maamulka Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadashay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles