NISA oo burburisay xarumo Al-Shabaab ku lahaayeen Shabeellooyinka

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab u adeegsan jireen farsameynta qaraxyada, dayactirka hubka iyo abaabulka dagaalyahannada, kuwaas oo ku kala yaallay Gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Howlgalladan ayaa sidoo kale lagu dilay xubno isugu jiray Injineero iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda.

Howlgalka koowaad, oo maanta ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu beegsaday xarumo qarsoodi ah oo maleeshiyaadka Al-Shabaab u adeegsan jireen farsameynta qaraxyada iyo dayactirka hubka.

Howlgalkan ayaa lagu burburiyay qalabkii farsamada, keydkii ku jiray xarumahaasi iyo labo gaari oo ay u diyaarinayeen walxaha qarxa, waxaana la dilay toddobo dhagarqabe oo ka kala tirsanaa qeybaha Injineerada qaraxyada iyo maleeshiyaadka kooxda.

Howlgalka labaad, oo labadii maalin ee la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Laba-garas ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad Al-Shabaab ah oo loo diyaarinayay in ay weerarro argagixiso fuliyaan.

Howlgalkaas wajigiisa koowaad waxaa lagu dilay 12 dhagarqabe, halka wajiga labaad lagu soo afjaray sagaal kale, kuwaas oo qaarkood ka firxaday weerarkii hore balse mar kale lagu beegsaday goob ay gabaad ka dhiganayeen.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles