Sunday, July 26, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Xulka Qaranka kaddib guul taariikhi ah oo ay ka gaareen AFCON 2027

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed, kaddib guul taariikhi ah oo ay ka gaareen isreeb-reebka tartanka AFCON 2027.

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa guushan gaarey markii ay ka adkaadeen dhiggooda dalka Mauritius, taas oo u sahashay inay markii ugu horreysay taariikhda u gudbaan heerka guruubyada tartanka AFCON.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay ciyaartoyda, macallimiinta iyo dhammaan bahda kubadda cagta Soomaaliyeed dadaalka, geesinimada iyo waddaniyadda ay muujiyeen, isagoo xusay in guushani ay farxad gelisay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

“Guushani waxay caddeyn u tahay kartida iyo hibada dhalinyarada Soomaaliyeed, waana tallaabo muhiim ah oo dhiirrigelin u ah horumarka ciyaaraha dalka iyo mideynta bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale hambalyo u diray Xulka Qaranka, isagoo ku boorriyay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda si ay u gaaraan guulo kale oo waaweyn.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo sheegtay inay iska difaaci doonto hanjabaadaha Maraykanka

Iiraan ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay difaacdo...

Dagaal beeleed ka dhacay deegaan ka tirsan  Sanaag

Dagaal beeleed ayaa maanta markale ka dhacay deegaanka Laashimo...

Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya oo soo bandhigtey waxqabadkeeda muddo 4 sano ah

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

MW Xasan Sheekh oo ku Wajahan Furimaha Dagaalka ee Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan...

Mareykanka oo Soomaaliya iyo Eritrea kala hadlaya Amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

Dowladda Mareykanka ayaa billowday wada-hadallo ay la yeelaneyso Soomaaliya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles