Saturday, July 25, 2026

Mahad Salaad oo la kulmay madaxda hay’adaha CIA iyo FBI

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim ah kula yeeshay magaalada Washington madaxda hay’adaha CIA iyo FBI.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada sirdoonka, la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Sidoo kale, Agaasimaha ayaa booqday xarunta Ciidamada Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee Fort Bragg, oo ku taalla gobolka North Carolina, halkaas oo uu kulan muhiim ah kula yeeshay Korneyl Benander oo ah taliyaha ciidamada gaarka ah ee Mareykanka, isla markaana hore uga soo shaqeeyay Soomaaliya.

Taliyaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada iyo iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada, Iskaashigan ayaa horseeday guulo la taaban karo, oo ay ka mid yihiin howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu bartilmaameedsaday horjoogeyaasha sare ee Khawaarijta.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo ku Wajahan Furimaha Dagaalka ee Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan...

Mareykanka oo Soomaaliya iyo Eritrea kala hadlaya Amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

Dowladda Mareykanka ayaa billowday wada-hadallo ay la yeelaneyso Soomaaliya...

Imaaraadka Carabta oo Gabagabo ku dhow Dhismaha Saldhig Millatari oo ku yaalla Berbera

Warbaahinta The Global Eye ayaa daabacday warbixin ay ku...

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Mandhera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerarro kala duwan ka...

Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Sacuudiga

Kooxda Xuutiyiinta ee xukunta waqooyiha dalka Yemen ayaa duqeyay...

Suudaan oo eedeyn u jeedisay Itoobiya

Dowladda Suudaan ayaa ku eedaysay Itoobiya inay hakisay korontadii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles