Wasiir Fiqi oo si adag Weeraray Golaha Mustaqbalka

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa si kulul u dhaliilay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee isku magacaabay “Golaha Mustaqbalka”, isagoo ku eedeeyay inay ka shaqeynayaan dano shisheeye oo lid ku ah qarannimada dalka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in xubnaha Golaha Mustaqbalka ay xiriir la leeyihiin dowlado dibadda ah, isla markaana ay qabtaan kulamo uu ku tilmaamay kuwo lagu wiiqayo dowladda dhexe ee Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay qaar ka mid ah xubnaha kooxdaasi inay taageero siiyaan ururka Al-Shabaab.

“Kooxdan waa daba-dhilif u adeegaya dano shisheeye, mana ahan kuwo ka shaqeynaya horumarka Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Dhanka kale, Wasiir Fiqi ayaa ku dhaliilay Golaha Mustaqbalka inay hambalyo u direen hoggaamiyeyaal ay ka mid yihiin Axmed Madoobe iyo Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay qabteen doorashooyin uu ku tilmaamay “boob”. Wuxuu xusay in aysan dhankooda hambalyo u dirin maamulka Waqooyi Bari, oo uu sheegay inuu muddo dheer ku jiray hannaan kala guur ah.

Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa si cad u sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadi doonto tallaabooyin sharci ah oo ka dhan ah xubnaha Golaha Mustaqbalka, isagoo tilmaamay in la xiri doono islamarkaana la horgeyn doono maxkamad.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles