Saturday, May 23, 2026

DFS oo war ka soo saartay shidaal qodista ka bilaabanaysa dalka

Wasiiru dowladaha Xukuumadda Soomaaliya Cali Cumar ayaa qoraal uu ku daabacay Bartiisa X ku sheegay in ololaha ugu horreeya ee qodista shidaalka badda Soomaaliya uu xambaarsan yahay muhiimad ballaaran oo dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadda caalamiga ah.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku xusay in haddii howlgalkaan uu guuleysto, ay si weyn u xoojin karto rajada Soomaaliya ee kobac dhaqaale oo ku saleysan kheyraadka dabiiciga ah, isla markaana ay sii adkeyn karto xiriirka istiraatiijiga ah ee kala dhexeeya Turkiga.

Waa fursad beddeli karta mustaqbalka dhaqaale ee dalka iyo sidoo kale saameynta uu ku leeyahay nidaamka tamarta ee gobolka,” ayuu yiri wasiirku.

Warkan ayaa kusoo aadaya xilli markabka qodista shidaalka ee Cagri Bey uu soo gaaray biyaha Soomaaliya, si uu u bilaabo howlgalka ugu horreeya ee qodista shidaalka badda.

Markabkan ayaa bishii Febraayo ka shiraacday dekedda Tasucu ee gobolka Mersin, waxaana la filayaa inuu si rasmi ah u bilaabo qodista ceelka Curad-1 inta lagu jiro bishan.

Sidoo kale, sanadkii 2024, Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiisyo la xiriira sahminta shidaalka iyo gaaska, kuwaas oo isugu jira berriga iyo badda. Markab sahamin ah oo lagu magacaabo Oruc Reis ayaa hore u dhammeystiray baaritaanno muhiim ah oo laga sameeyay qaybo ka mid ah badda Soomaaliya.

Howlgalkan cusub ayaa loo arkaa tallaabo taariikhi ah oo Soomaaliya u horseedi karta isbeddel dhaqaale iyo kor u kac ku yimaada kaalinta ay ka qaadato tamarta gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

xubno ka tirsan AS oo gobolka Sh/hoose lagu dilay

Wasaaradda gaashaandhiga XFS ayaa sheegtay in howlgal ka dhacay...

Maamulka koonfur galbeed oo war ka soo saaray dagaal xalay ka dhacay magaalada Baydhabo

Maamulka koonfur galbeed ayaa sheegay in fariisimaha ciidamda ay...

Xisbiga JSP oo Liibaan Shuluq u xushay iney ka dhigaan madaxweynaha Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa go’aansatay in ay hoggaaka Galmudug u...

Wasiirka Howlaha Guud ee Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles