DFS oo war ka soo saartay duqeyn ka dhacday G/Baay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah, ay aroornimadii maanta fuliyeen hawlgallo duqeymo ah oo lagu beegsanayay maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaasoo ka dhacay deegaanka Gasarta, oo u dhexeeya Baydhabo iyo Daynuunaay ee gobolka Baay.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeymahan lagu dilay ugu yaraan 12 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, halka tiro kale oo ka tirsan ay ku dhaawacmeen.

Duqeymahan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee dowladda Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah ee amniga dalka si looga hortago falalka argagixisada iyo burburinta xarumaha Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale la sheegay inay xaqiijiyeen ammaanka deegaanka ka dib howlgalladan, iyadoo la tijaabinayo in aanay jirin wax saameyn ah oo ku yimid shacabka deegaanka.

Tani waxay ka mid tahay hawlgallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku wajahdo maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo dhibaato weyn ku haya amniga iyo horumarka gobolka Baay iyo guud ahaan Koonfur Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles