Thursday, April 9, 2026

Askari ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in caawa halkaasi lagu dilay mid ka mid ah saraakiishii ka tirsanaa ciidanka Booliiska ee dhawaan loo geeyay xoojinta amniga.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Khalid Cabdinuur, kaas oo ka mid ahaa dhalinyaro aqoonyahan ah oo ka qalin-jabiyay jaamacadaha dalka, kadibna ku biiray ciidanka Booliiska si uu ugu adeego bulshada iyo qaranka.

Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaya in marxuumka lagu dilay weerar toos ah oo ay fuliyeen koox hubeysan oo la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxo ka ganacsada maandooriyaha, gaar ahaan khamrada.

Xilliga falka uu dhacayay, sarkaalka ayaa ku jiray gudashada waajibaadkiisa shaqo ee la xiriira sugidda amniga iyo la dagaallanka dambiyada.

Dilkan ayaa noqonaya kii labaad oo muddo kooban gudahood loo geysto saraakiil ka tirsan ciidanka cusub ee Booliiska ee lagu daabulay Gaalkacyo, taasoo muujinaysa khataraha iyo caqabadaha culus ee weli ka jira la dagaallanka kooxaha dambiyada ku lugta leh.

Dhacdadan ayaa sare u qaadaysa walaaca laga qabo amniga magaalada, iyadoo ay sii kordhayaan falalka lidiga ku ah nabadgelyada ee ay geystaan kooxaha sharci darrada ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in duqeyn ka dhacday Mudug lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay duqeyn ka...

Markabka qodista Shidaalka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebaha magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Xasan Sheekh, Xamsa iyo Qoor Qoor oo ka shiray doorashada Galmudug

Kulan xasaasi ah ayaa ka dhacay Villa Soomaaliya, kaas...

Raysal wasaaraha UK oo ka degay Imaaraadka

Raysal Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa gaaray Imaaraadka Carabta,...

Wefdiga Iiraan oo maanta tegaya Pakistan

Safiirka Iiraan u fadhiya Pakistan, Reza Amiri-Moghaddam, ayaa Khamiista...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles