Tuesday, July 21, 2026

Guddoomiyihii hore Golaha shacabka oo eedeyn u jeediyay MW Xasan Sheekh

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa si kulul u dhaliilay waxa uu ku tilmaamay faragelin toos ah oo ay Dowladda Federaalka ku hayso arrimaha gudaha ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, ayuu Mursal ku sheegay in hoggaanka ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed uu wajahayo kalsooni darro sii kordheysa, isla markaana aanu si dhab ah u metelin rabitaanka shacabka deegaannadaas.

Wuxuu tusaale u soo qaatay warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka, taas oo lagu magacaabay Guddiga Farsamada ee wada-hadallada iyo dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed. Mursal ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid si cad u muujinaysa faragelin lagu hayo maamulkaas.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in go’aamada noocan ah ay muujinayaan in talada iyo masiirka Koonfur Galbeed aan lagu aamini karin hoggaanka hadda jira, taasoo uu ku tilmaamay arrin halis gelin karta jiritaanka nidaamka federaalka ee dalka.

Hassan Sheikh Mohamud ayuu sidoo kale ku eedeeyay in duullaankii uu hoggaaminayay uu lahaa ujeeddooyin siyaasadeed oo horseedi kara kala-qaybsanaan iyo wiiqidda midnimada Koonfur Galbeed, halkii laga xoojin lahaa xasilloonida iyo wadajirka bulshada.

Dhanka kale, Mursal ayaa dhaliilay siyaasiyiin uu sheegay inay hormuud ka ahaayeen arrimaha ka socda Koonfur Galbeed, kuwaas oo uu ku eedeeyay inaysan lahayn qorshe cad oo u adeegaya danaha shacabka, balse ay ku mashquulsan yihiin abaabulka doorasho qof iyo cod ah.

Maxamed Mursal ayaa ka digay in faragelinta joogtada ah ee Dowladda Federaalka ay wiiqayso jiritaanka Dowlad-Goboleedyada iyo nidaamka federaalka guud ahaan, isagoo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo tallaabooyinka noocan ah, loona laabto hannaan ku dhisan sharci, wada-tashi dhab ah, iyo ixtiraamka rabitaanka shacabka

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dad ka ganacsada carruurta yaryar oo xukunno lagu riday

Sagaal iyo toban qof ayaa dalka Indonesia lagu helay...

Ruushka oo gantaallo ku riday meel u dhow dalka Ingiriiska iyo UK oo dhaqdhaqaaqyo bilowday

Markab dagaal oo Ruushku leeyahay ayaa sameeyay tijaabooyin lagu...

Mareykanka oo Iiraan kala kulmaya weerarro khasaare badan gaustay

Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in ku...

Dowladda Kuweyt oo qiratay in xaruumo ay Iiraan ka wareertay

Dowladda Kuweyt ayaa xaqiijisay in warshaddeeda biyaha iyo xarunteeda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles