Munaasabada xuska 12 April ee Ciidamada xoogga oo ka socota Muqdisho

Munaasabadda lagu xusayo sanad-guurada 66-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee 12-ka April ayaa hadda ka socota xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada ayaa ka qeyb galay munaasabaddan, taas oo sanad kasta xilligan oo kale ay si weyn u dabaal-dagaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa la filayaa in ciidamada ay halkaasi ku soo bandhigaan dhoolatus ciidan iyo gaada ka ciyaar, kuwaas oo muujinaya awoodda iyo heeganka ay u leeyihiin difaaca dalka..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo munaasabadda ku sugan ayaa la filayaa inuu jeediyo khudbad muhiim ah oo la xiriirta taariikhda, halganka iyo guulaha ay gaareen geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa la aas-aasay 12-kii April sanadkii 1960, waxaana sanadkan ay u dabaal-degayaan 66 guuradii ka soo wareegtay aas-aaskooda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles