Munaasabada xuska 12 April ee Ciidamada xoogga oo ka socota Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qayb galay munaasabadda xuska sannad guurada 66-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray dhammaan Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alifleyda, Dablayda iyo qoysaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Inta ay socotay munaasabaddu, cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay dhoollatus ay ku muujinayaan cududda iyo tayada ciidanka, cir iyo dhul, iyadoo gaadiidka gaashaamaan, Halyeeyada naftood hureyaasha ah, dabaabadaha iyo diyaaradaha dagaalka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay muujiyeen sida ay ugu diyaarsan yihiin xoreynta iyo difaaca dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa ka warramay muhiimadda maalintan, taariikhda iyo mabaadi’da Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku suntan geesinimo iyo naf-hurnimo, waxa uuna soo bandhigay dadaallada ay dowladdu ku bixisay tayeynta iyo kordhinta tirada ciidanka.

“Geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka waa kuwa badbaadiyey 20 milyan oo Soomaaliyeed. Kaliya kuma difaacaan qori, balse sidoo kale way u gargaaran. Maanta guusha ay gaareen taariikhda ayaa qori doonta”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay tayeynta, qalabaynta iyo dhiirrigelinta ciidanka, si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka iyo xoreynta deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo billado geesinimo guddoonsiiyey saraakiil hoggaan u ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku dhiirrigeliyey doorkooda geesinimada leh ee sugidda amniga dalka, difaaca xuduudaha iyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada, isaga oo u duceeyey dhammaan halyeeyadii u shahiiday difaaca dalka iyo kuwii ku dhaawacmay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles