Guddiga joogtada ee BFS oo maanta lagu hor dhaariyay wasiiro iyo xildhibaan Cusub

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyey kulanka aan caadiga aheyn ee Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horreyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka furay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada warbixin ka siiyey safar uu ku tagay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isbedelkii dhowaan ka dhacay dowlad goboleedka iyo sidoo kale dadaalada dowladda ee ku aadan doorashada hogaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Intaasi ka dib Habdhowraha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyey Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo si rasmi ah uga mid noqday Mudanayaasha Golaba Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta,

Maalgashiga iyo Horumarrinta Dhaqaalaha Mudane Ismaaciil Ciid Maxamed, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Xasan Maxamed Cali iyo sidoo kale Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Nadiifo Aadan Isaaq.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles