Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qayb galay munaasabad lagu maamuusayay sanadguurada 66-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo lagu qabtay Taliska Taakuleynta Ciidanka XDS ee Villa Baydhabo.
Ra’iisul Wasaaruhu, waxa uu hoosta ka xarriiqay in dal aan lahayn ciidan awood leh uusan yeelan karin sharaf iyo karaamo, isaga oo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo dhismaha ciidan leh awood iyo caqiido wanaagsan oo ilaaliya diinta, dadka iyo dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in sugidda amniga xudduudaha dalka ay tahay tiirka koowaad ee amniga, isla markaana dal aan xudduudihiisa la ilaalin uu la mid yahay guri furan oo alaab qaali ah taallo cid walbana hunguri ka galayo.
Xamsa, ayaa bogaadiyay guulaha ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka ka dhanka ah cadowga Khawaarijta ah, gaar ahaan gobollada Bay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Jubbada Hoose, halkaas oo lagu gaarsiiyay jab weyn. Waxa uu sidoo kale mahadcelin u jeediyay taageerada caalamiga ah ee saaxiibbada Soomaaliya ay siiyaan ciidanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda daryeelka agoonta, naafada iyo howlgabka ciidanka, isaga oo xusay in maanta la dhagax-dhigay xarun lagu daryeelayo, isla markaana la aas-aasay hay’ad u adeegta, si loo xaqiijiyo xuquuqdooda iyo daryeelkooda, taas oo mudnaanta koowaad u leh Xukuumadda DanQaran.


