Wednesday, July 22, 2026

Wadahadallada Iran iyo Mareykanka oo dib u bilaabanaya

Wasiirka Difaaca Pakistan Khawaja Asif ayaa sheegay in wareeg cusub oo wadahadallo ah oo u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka dhawaan la qaban doono.

Asif ayaa intaa ku daray, hadal uu Isniintii ku siiyay wariyeyaasha bannaanka dhismaha baarlamaanka, in wadahadalladii dhawaan dhacay ka dib ay jirtay dareen qanacsanaan ah, oo aan weli la laga gaarin wax horumar ah oo la taaban ah.

Wasiirku wuxuu yiri, “Waxba ma arag marka laga reebo horumarro wanaagsan,” isagoo u arkaya inay tani calaamad u tahay in dadaallada diblomaasiyadeed ay ku socdaan waddo wax dhisaysa.

Wasiirka Difaaca Pakistan ayaa ku celiyay in wareegga xiga ee wadahadalladan la qaban doono dhawaan.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa sidoo kale Isniintii ka hadlay dadaallada socda ee lagu xallinayo khilaafaadka u dhexeeya Tehran iyo Washington, isagoo xusay in xabbad joojinta sii socota ee labada dhinac ay xoojinayso rajada laga qabo horumarka dadaalladan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dad ka ganacsada carruurta yaryar oo xukunno lagu riday

Sagaal iyo toban qof ayaa dalka Indonesia lagu helay...

Ruushka oo gantaallo ku riday meel u dhow dalka Ingiriiska iyo UK oo dhaqdhaqaaqyo bilowday

Markab dagaal oo Ruushku leeyahay ayaa sameeyay tijaabooyin lagu...

Mareykanka oo Iiraan kala kulmaya weerarro khasaare badan gaustay

Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in ku...

Dowladda Kuweyt oo qiratay in xaruumo ay Iiraan ka wareertay

Dowladda Kuweyt ayaa xaqiijisay in warshaddeeda biyaha iyo xarunteeda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles