Askar ku geeriyooday iska horimaad ka dhacay Gaalkacyo

Warar laga helayo magaalada Galkayo ayaa sheegaya in ugu yaraan labo askari ay ku dhinteen is-rasaaseyn ka dhacday gudaha magaalada, taas oo dhexmartay ciidamo ka kala tirsan Booliska iyo Daraawiishta maamulka Puntland.

Sida ay sheegayaan ilo kala duwan, ciidamo Boolis ah oo laga soo diray Garowe ayaa la sheegay in ay daba socdeen askar ka tirsan Daraawiishta oo lagu eedeeyay in ay qoryo la goosteen. Intaasi kadib, ciidamadaasi ayaa la kulmay cutub kale oo ka tirsan Daraawiishta, taas oo keentay is-faham la’aan degdeg ah iyo rasaas ay is dhaafsadeen labada dhinac.

Is-rasaaseyntan ayaa sababtay dhimashada ugu yaraan labo askari oo ka kala tirsanaa labada dhinac, inkastoo aan wali la xaqiijin tirada rasmiga ah ee khasaaraha.

Ilaa iyo hadda, laamaha ammaanka ee Puntland kama aysan hadlin dhacdadan, mana jirto faahfaahin rasmi ah oo laga bixiyay sababta dhabta ah ee keentay iska horimaadka.

Dhacdadan ayaa imaaneysa xilli magaalada Galkayo ay muddooyinkii dambe ka dhacayeen falal amni darro, oo ay ka mid yihiin dilal loo geysanayay askarta dowladda, taas oo walaac ku abuurtay shacabka ku nool halkaasi

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles