Mucaaradka iyo odayaasha Dhaqanka Hawiye oo maanta yeelanaya shir ka dhan ah MW Xasan Sheekh

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka dhaco kulan muhiim ah oo ay yeelanayaan siyaasiyiinta mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, kaas oo si weyn diiradda loogu saarayo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka hareeyay doorashooyinka.

Kulankan ayaa ka dhacaya hoyga uu Muqdisho ka degan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, iyadoo la filayo inay kasoo qeyb galaan xubno muhiim ah oo ka tirsan mucaaradka.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka uu si gaar ah uga soo horjeedo siyaasadda uu wado Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan arrimaha la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.

Ajendaha kulanka ayaa lagu sheegay in uu yahay falanqeynta xaaladda guud ee dalka, amniga, iyo jahwareerka ka jira doorashooyinka, iyadoo sidoo kale la isla gorfeyn doono doorka ay ka qaadan karaan odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta mucaaradka xal u helidda caqabadaha taagan.

Kulanka wada-tashiga ah ayaa la filayaa inuu horseedo is-afgarad iyo mideyn aragtiyeed oo ku aaddan sidii loo wajihi lahaa marxaladda adag ee dalka, iyadoo la xoojinayo muhiimadda wadatashiga, midnimada iyo ilaalinta danaha shacabka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda siyaasadeed ee dalka, taas oo u dhaxeysa dowladda iyo mucaaradka, islamarkaana laga cabsi qabo inay saameyn ku yeelato geeddi-socodka doorashooyinka iyo xasilloonida guud ee Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo u safray Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Guddiga Doorashada oo aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee laashay doorashadii Galmudug

Guddiga lagu muransanyahay ee doorashada ayaa goordhow ku dhawaaqay...

Itoobiya oo badeshay ciidamadeeda ku sugnaa Baydhabo iyo kuwa cusub oo ay geysay Magaalada

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay beddeshay dhammaan ciidamadii...

Burburin iyo barakac xooggan oo ka socda Buulo Eelay, Muqdisho oo wajahaysa qax

Burburin iyo barakac ayaa xalay saqdii dhexe ka bilowday...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay Wasiirka UK u qaabilsan Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Muqdisho kulan kula...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles