Friday, June 19, 2026

Mucaaradka oo ku dhawaaqay Badbaado Qaran oo ka dhan ah MW Xasan Sheekh

Siyaasiinta mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha saami qeybsiga la wadaaga madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulamo muhiim ah kula yeeshay odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho, iyagoo ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo jihada ay u socoto.

Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray walaaca laga qabo hanaanka doorashooyinka, iyadoo mucaaradku iyo odayaasha dhaqanka ay isku raaceen in la gaaray waqtigii si dhab ah looga hadli lahaa mustaqbalka siyaasadda dalka.

Waxay si cad u sheegeen in aan la aqbali karin doorasho hal dhinac ah, taas oo ay ku tilmaameen mid halis gelin karta xasilloonida iyo midnimada Soomaaliya.

Siyaasiinta mucaaradka ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka uu qaadayo madaxweynaha ay si toos ah ugu qormi doonaan magaca beelaha ay matalaan, taas oo ka dhigaysa arrin u baahan feejignaan iyo in la maro waddo hore loogu soo maray xalinta khilaafaadka siyaasadeed.

Madasha Samatabixinta Mucaaradka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday ol’ole ay ugu magac dartay “Badbaado Qaran”, kaas oo ay ku diidan yihiin siyaasadda dowladda, islamarkaana ay ku dalbanayaan in la qabto doorasho heshiis lagu yahay.

Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay ka daaleen dadaallo ay hore ugu sameeyeen dowladda, balse aan wax natiijo ah laga gaarin.

Rooble ayaa yiri:“Dalka wuxuu u baahan yahay badbaado qaran oo ay ka qeyb qaadato Soomaaliya oo dhan.”

Wuxuu sidoo kale si kulul u dhaliilay madaxweynaha, isagoo sheegay in uusan dheg jalaq u siin talooyinka kala duwan ee loo soo jeediyay, islamarkaana uu dalka ku wado jihada uu isaga doonayo.

Ugu dambeyn, Rooble ayaa ka digay in Soomaaliya ay wajahday marxalad halis ah, isagoo xusay in haddii aan xal degdeg ah la helin ay suuragal tahay in dalka uu galo xaalad kala qeybsanaan ah.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan u muuqata mid sii cakirmeysa, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay soo baxaan dhaqdhaqaaqyo iyo go’aanno kale oo saameyn ku yeesha jihada siyaasadda Soomaaliya

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Cambaareeyay Safarka Cirro ee Qudus

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si adag...

IGAD oo ka digtay Safaaradda Somaliland ee Qudus

Urur-goboleedka IGAD ayaa markale ku celiyay taageerada uu u...

Baarlamaanka oo dib loo furi doono iyo Xasan Sheekh iyo guddoonka oo kulmay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa...

Ciro oo ka hadlay hanjabaada Xuutiyiinta iyo Saldhiga Israa’iil

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa si cad...

Trump “Ma Ahayn Mid Fudud” Isagoo Saxiixayay Heshiiska Ku-meelgaarka ah ee Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in heshiiska ku-meelgaarka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles