Doorashada KGS oo qarka u saaran inuu dib u dhac ku yimaado

Doorashadii maamulka Koofur Galbeed (KGS) ee qorshuhu ahaa in ay dhacdo 28-ka bishan ayaa wajahaysa cabsi sii kordheysa oo ku aaddan dib u dhac, xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaaf siyaasadeed oo ka jira magaalada Baydhabo.

Afar maalmood oo kaliya ayaa ka harsan waqtigii loo asteeyay qabashada doorashada, balse weli waxaa taagan jahwareer siyaasadeed iyo gadood xooggan oo ay muujinayaan ciidamadii taabacsanaa madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed, Cabdi Casiis Lafta Gareen.

Arrintan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in dib u dhac ku yimaado doorashada Golaha deegaanka iyo Baarlamaanka maamulka.

Dhinaca kale, siyaasiyiin badan ayaa ku loolamaya xilka madaxtinimada Koofur Galbeed, iyadoo tartanka uu u dhexeeyo xisbiga JPS ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo musharixiin kale oo doonaya xilka.

Xaaladda guud ee Baydhabo ayaa weli ah mid kacsan oo aan deganeen, iyadoo aan la saadaalin karin sida ay wax u dhici doonaan saacadaha soo socda.

Waxaa jirta cabsi ah in xiisadda siyaasadeed ay isu beddesho iska horimaad, haddii aan xal degdeg ah laga gaarin khilaafka taagan.

Si kastaba, waxaa socda dadaallo nabadeed oo ay wadaan odayaasha dhaqanka ee deegaanka, kuwaasi oo ku howlan sidii xal waara loogu heli lahaa ismari-waaga siyaasadeed ee hareeyay doorashada.

Saacadihii ugu dambeeyay ayaa sidoo kale wararka waxay sheegayaan in magaalada Baydhabo hub laga qaaday guddoomiyaha degmada iyo wasiir ku-xigeenka amniga ee maamulka Koofur Galbeed, iyadoo la xakameeyay dhaqdhaqaaqyadooda.

Labadan mas’uul ayaa horey ula soo shaqeeyay madaxweynihii hore ee maamulka, Cabdi Casiis Lafta Gareen, inkastoo aan wali la caddeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysay tallaabadan.

Tallaabooyinkan cusub ayaa sii murjin kara xaaladda, isla markaana caqabad ku noqon kara in doorashadu ku qabsoonto waqtigii loo qorsheeyay, haddii aan si degdeg ah xal looga gaarin khilaafaadka iyo tabashooyinka la xiriira hannaanka doorashada.

WARARKII KALE

Ciidamada Jubbaland oo la wareegay xarumihii dowladda ee Beled-Xaawo

Ciidamada Jubaland ayaa si rasmi ah ula wareegay xarumihii...

DFS oo Liiska Qaran ee Cunaqabateynta Maaliyadeed ku dartay Laftagareen iyo Xubno la Xiriira

Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada...

DDS oo markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay ciidamada Soomaaliya ee galay Itoobiya

Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa markii ugu horreysay...

Maxkamadda Sare oo qabatay dacwad ka dhan ah dastuurka cusub iyo muddo kororsiga hay’adaha dowladda

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maxkamadda Sare ee...

Ciidamada Laftagareen oo culeys saaray deegaanada KGS

Ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis...

Booliska Puntland oo digniin ka soo saaray safarrada xilliga roobabka

Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Laanta Nabadgelyada Waddooyinka, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles