Sunday, June 28, 2026

Soomaaliya “Amniga iyo maareynta baddeena waa arrin muhiim u ah gobolka iyo guud ahaan dunida”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay ilaalinta amniga maraakiibta ganacsiga ee isticmaala marin-badeedkeeda, iyada oo muujisay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee ay leedahay goobta juqraafiyeed ee dalka.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abuukar Baalle, ayaa sheegay in dalka uu si buuxda u garowsan yahay doorka uu ku leeyahay sugidda amniga marin-badeedka caalamiga ah, maaddaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer dhul-weynaha Afrika isla markaana ay ku taallo meel muhiim ah oo isku xirta Badweynta Hindiya iyo Badda Cas.

“Amniga iyo maareynta baddeena waa arrin muhiim u ah gobolka iyo guud ahaan dunida,” ayuu yiri Abuukar Baalle, isaga oo xusay in Soomaaliya ay xoojinayso dadaallada lagu ilaalinayo marin-badeedka.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la dhowro xorriyadda maraakiibta ganacsiga, isla markaana la ixtiraamo xuquuqdooda, si loo hubiyo socodka ganacsiga caalamiga ah ee sii maraya xeebaha Soomaaliya.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu horey u joojiyay taageerada howlgallada caalamiga ah ee la dagaalanka burcad-badeedda ee ka howlgalla xeebaha Soomaaliya, kaddib markii dowladda Soomaaliya ay codsatay in la soo afjaro howlgaladaas oo sanad kaste dhaqaale badan uu ku bixi jiray.

Warkan ayaa waxaa uu ku soo aadaya iyadoo maraakiib ganacsi lagu afduubtay xeebaha dalka, taas oo dib u soo nooleysay walaaca laga qabo amniga marin-badeedka gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xero ay leeyihiin kurdiyiinta Ciraaq oo la duqeeyay

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka...

Nin Mareykanka ku eedeeyay Musuq-maasuq oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Cabdikariim...

DFS oo Sheegtay in Duqeymo lagu dilay  Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka...

Booliska Soomaaliya oo Xoojiyay Howlgallada Ka Dhanka ah Faafinta Anshax-xumada

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sare u qaaday howlgallada lagu...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles