Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka oo hal arrin ka wadahadlay

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho ayaa kulan la yeeshay qaar kamid ah isimada dhaqanka Soomaaliyeed ee maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada caasimadda ah.

Mucaaradka iyo isimada ayaa ka arrinsaday xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha doorashooyinka, waxka-beddelk dastuurka iyo qorshaha muddo kororsi ee ay waddo Madaxtooyada Soomaaliya.

Qaar kamid ah isimadii dhaqanka ee madasha ka hadlay ayaa ugu yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh inuu doorashada qabto uusanna isku deyin hirgelinta wixii uu ka diidey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Siyaaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa goobta ka sheegay in Madaxweyne Farmaajo aysan isku hayn dastuur iyo haseyeeshee ay isku hayeen qabashada doorashada.

“Farmaajo waxa isku haynay doorashada keliya; iskuma hayn Dastuur, dhul iyo wax kale toona, laakiin Xasan waxa isku haynaa dastuurkii oo uu iskiis u beddeshey, dhulkii dadka ka dhexeeyey oo uu qaatay & doorashadii dalka”, Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

labo macallin oo lagu toogtay iskuul ku yaal Faransiiska

Arday ayaa la xiray kaddib markii maamule iyo macallin...

Baaritaan laga fuliyay guriga Ilhan Omar maxaa loo haystaa

Saraakiisha socdaalka ee Maraykanka ayaa baaritaan ka fuliyey guriga...

 MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Calanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

Somaliland oo Itoobiya u bandhigtay isticmaalka dekedda Berbera iyo marin-badeedkeeda

Maamulka Somaliland ayaa mar kale muujiyey sida uu diyaarka...

12-ka Oktoobar: Taariikhda Calanka Soomaaliyeed iyo halgankii ka dambeeyay

Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xustaa maalinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles