Wasiir cusub oo loo magacaabay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u magacaabay Wasiir cusub oo hoggaamin doona Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Ra’iisul Wasaaruhu tixraacay qodobka 120-aad, farqadiisa 2-aad iyo 3-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa loo magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, halka xilka laga qaaday Wasiirkii hore Daa’uud Aweys.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu si hufan u gutto waajibaadka loo igmaday, islamarkaana uu laba jibbaaro dadaalka horumarinta warfaafinta dalka.

Magacaabistan ayaa imaneysa xilli ay xukuumaddu wajahayo howlaha ballaaran ee dhinacyada warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska, kuwaas oo muhiim u ah dib-u-dhiska iyo kobaca dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ruushka oo duqeyn ba’an ka geystay geystay Zaporizhzhia

Ruushka ayaa magaalada Zaporizhzhia ee dalka Ukraine ku weeraray...

Masar oo diyaarinaysa ciidamadii ugu dambeeyay ay u soo dirayso Soomaaliya

Warbaahinta The New Arab ayaa sheegtay in dowladda Masar...

Ciidanka Xoogga Dalka oo dib ula wareegay deegaanka Hees ee gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 27-aad, ayaa...

KGS oo qorsheynaysa in ciidanka Lafta-gareen xoog looga saaro Qansaxdheere

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo...

Taliyihii Saldhigga booliska Xagardheere ee Kenya iyo darawalkiisii oo qarax lagu dilay

Laba askari oo ka tirsan booliska Kenya, oo uu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles