Madaxweynihii 9aad ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war ka soo saaray xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka ka taagan, isaga oo xusay in Jimcaha soo socda oo ku beegan 15 May 2026 ay tahay maalintii ugu dambeysay ee muddo xileedka sharciga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in toddobaadka ka haray muddo xileedka Madaxweynaha ay tahay in xoogga la saaro dhismaha hannaan doorasho oo loo dhan yahay oo ay ku wada qancaan dhammaan dhinacyada siyaasadda, si looga hortago qalalaase siyaasadeed iyo kala qeybsanaan hor leh.
Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ugu baaqay dowladda in si degdeg ah loo sii daayo wariyeyaasha iyo dadka u istaagay difaaca bulshada la dhibaateeyey xilligan adag, taas oo khilaafsan dastuurka iyo xeerarka dalka, muujinaysana jihada xukun-boobka ah ee uu aaday nidaamka Madaxweyne Xasan Sheekh.
Farmaajo ayaa waxaa uu tilmaamay in warka dawladdu ay ku sheegtay in ay guryo u dhisayso tiro yar oo ka mid ah qoysaskii la barakiciyay, sanadihii la soo dhaafay, uu yahay hadal ay dawladdu ku wajahayso cadaadiska iyo kacdoonka bulshada, maaddaama aysan jirin qooondo horey loo qorsheeyey oo arrinkaas loogu daray miisaaniyadda dowladda, ayna u harsan yihiin nidaamka barakiciyey maalmo kooban.


