Saturday, May 9, 2026

Saraakiil ciidan oo ku wajahan Dhuusamareeb

Wararka ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo Taliyaha cusub ee Booliska Galmudug, Maxamed Daahir Cabdille, ay maanta ku wajahan yihiin magaalada, xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in taliyihii xilka laga qaaday ee Ilkacase lagu wado inuu si rasmi ah xilka u wareejiyo, iyadoo la filayo inuu munaasabadda xil wareejinta goobjoog ka noqdo taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Kaniif, oo isaguna maanta gaaraya Dhuusamareeb.

Dhanka kale, ciidamada Galmudug ee xalay la saaray dabaqyada ku dhow madaxtooyada ayaa saaka dib loogu celiyay fariisimahoodii, kadib saacado ay magaalada ka jireen dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo cabsi laga qabay isku dhac amni.

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in ciidamada ammaanka si weyn loo geeyay garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb iyo xarumaha muhiimka ah ee magaalada, halkaas oo saacadihii lasoo dhaafay lagu arkayay ciidamo cusub iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aan hore loo arag.

Dhaq-dhaqaaqyadan ka socda Dhuusamareeb ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin abaabulo iyo qorshayaal ciidan oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waddo magaalada, si loogu diyaar garoobo doorashooyinka qof iyo cod ee la qorsheynayo.

Saacadihii ugu dambeeyay waxaa gudaha magaalada galay Cismaan Cali Hudey oo hoggaaminaya ciidamo ka tirsan hay’adda NISA, kuwaas oo ay galbinayeen gaadiid dagaal oo aad u badan. Imaanshaha ciidamadan ayaa sii kordhiyay hadal haynta iyo dareenka siyaasadeed ee ka jira magaalada.

Inkasta oo xaaladda ammaanka magaalada ay xiligan deggan tahay, haddana waxaa si weyn loo dareemayaa guux iyo walaac ku saabsan ujeedka ciidamada la geeyay magaalada iyo waxa ka dhalan kara dhaq-dhaqaaqyada socda.

Xiisaddan ayaa kusoo aadeysa xilli jahwareer siyaasadeed uu ka dhex jiro Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), iyadoo khilaafkooda lagu sheegay mid salka ku haya arrimaha doorashooyinka iyo awood qeybsiga siyaasadeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xaflada caleema saarka madaxweynaha Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

Mucaaradka oo shaaciyay waqtiga uu bilaabanayo Banaanbaxa looga soo horjeedo dhul boobka Muqdisho

Xubnaha siyaasiyiinta ee Mucaaradka ayaa ku dhawaaqday in beri...

RW Xamsa oo la kulmay Danjiraha Dawladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa...

Taliyaha ciidanka xoogga oo shir looga hadlay amniga la qaatay saraakiisha ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa guddoomiyay...

Mucaaradka oo shir xasaasi ah ku leh Muqdisho iyo diyaar garowga Bannaanbaxyada

Waxaa goordhow ka furmaya Jaziira Hotel shir gaar ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles