MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir ka dhacaya Nairobi

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo shir-madaxeed muhiim ah oo u dhexeeya dalalka Afrika iyo Faransiiska, kaasoo lagu qabanayo magaalada Nairobi inta u dhaxeysa 10-ka ilaa 12-ka bisha May 2026.

Shirkan heer caalami ah ayaa lagu qaban doonaa xarumo waaweyn oo ku yaalla Nairobi, kuwaas oo ay ka mid yihiin Jaamacadda Nairobi iyo Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Kenyatta, halkaas oo la filayo inay isugu yimaadaan madax, diblomaasiyiin, iyo wakiillo ka kala socda dalal badan oo Afrika iyo Yurub ah.

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay kulamo  hordhac ah oo furitaan shirka uu ka socday dalka Kenya.

Ajandaha kulankan ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Afrika iyo Faransiiska, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, amniga, iyo siyaasadda.

Waxaa la filayaa in si gaar ah looga hadlo horumarinta ganacsiga, kobcinta dhaqaalaha dalalka Afrika, iyo sidii loo abuuri lahaa fursado shaqo oo cusub oo ay ka faa’iideystaan dhalinyarada.

Sidoo kale, shirka ayaa muhiim u ah Soomaaliya, maadaama uu Madaxweynaha fursad u heli doono inuu la kulmo madaxda kale ee ka qeyb galeysa, isla markaana uu ka doodo arrimaha mudnaanta u leh dalka sida amniga, la dagaallanka argagixisada, dib-u-dhiska dowladnimada, iyo soo jiidashada maalgashi caalami ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Milatariga Israa’iill sheegay in ay dileen saraakiil Xamaas ka tirsan

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay dileen laba xubnood oo...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeeray Fariisimaha Ciidamada ee Baraawe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto...

NISA oo sheegtay in howlgal ka dhacay Hiiraan lagu dilay laba horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in...

Danjirihii hore ee Itoobiya oo sheegay in dhexdhexaadinta Soomaaliya aysan guuleysan karin Itoobiya la’aanteed

Danjirihii hore ee Itoobiya u fadhiyey Muqdisho, Suleymaan Dedefo,...

Saadaq Joon oo si rasmi ah loogu dhaariyey xilka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya

Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa maanta si rasmi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles