Friday, May 15, 2026

Mucaaradka oo dib u dhigay Banaanbaxa Beri ay ku qaban lahaayeen Muqdisho

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee Mucaaradka ayaa shaaciyay inay dib u dhigeen bannaanbax lagu waday inuu ka dhaco magaalada Muqdisho 16-ka May, iyagoo sheegay inay doonayaan inay fursad siiyaan wada-hadallada siyaasadeed ee u socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha ayaa lagu sheegay in go’aanka dib loogu dhigay bannaanbaxa loo qaatay si loo dhiirrigeliyo dadaallada xal raadinta ee ku saabsan murannada siyaasadeed, doorashooyinka iyo jihaynta marxaladda kala guurka ee dalka.

Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay in bannaanbaxa uu ahaa mid si nabad ah loo qorsheeyay, balse ay mudnaan siinayaan wadahadallada socda, kuwaas oo ay ku tilmaameen kuwo muhiim u ah ilaalinta xasilloonida iyo ka fogaanshaha xiisado siyaasadeed oo hor leh.

Sida lagu xusay qoraalka, wada-hadallada u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo xubnaha mucaaradka ayaa diiradda saaraya arrimo ay kamid yihiin hanaanka doorashooyinka, dhameystirka dastuurka iyo arrimaha amniga, xilli uu dalka wajahayo xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah.

Golaha ayaa sidoo kale sheegay in taariikh cusub oo loo asteeyo bannaanbaxa dib laga shaacin doono, iyadoo lagu saleynayo natiijada kasoo baxda wada-hadallada socda.

WARARKII KALE

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Caddeysay in Dalka ay ka Dhacayso Doorasho Qof iyo Cod ah

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyada oo fulinaysa waajibaadka...

Shirkii u socday DFS iyo Mucaaaradka oo fashil ku soo dhammaaday

Shirkii ka socday Xerada Xalane ee u dhexeeyay MW...

DFS oo ciidankii Lafta gareen ku eedeysay inay la shaqeeyaan Al-Shabaab

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay...

Saraakiishii ku geeriyootay dagaalkii ka dhacay Baydhabo oo maanta Aas Qaran loo sameeyay

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Jibriil...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Dhalinyarada SYL

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles