Beesha Caalamka iyo Mucaaradka oo Xalane ku kulmaya

Xubnaha Beesha Caalamka iyo siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay kulan xasaasi ah ku yeeshaan xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.

Kulankan ayaa imanaya kadib markii uu fashil kusoo dhammaaday shirkii dhawaan halkaasi ku dhex maray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kaas oo lagu guuldareystay in laga gaaro is-afgarad qodobadii la isku hayay.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha Beesha Caalamka ay doonayaan inay cadaadis saaraan dhinacyada siyaasadda si dib loogu bilaabo wada-hadallada loona yareeyo xiisadda siyaasadeed ee sii xoogeysanaysa.

Ajandaha kulanka maanta ayaa diiradda lagu saari doonaa muranka ka taagan nooca doorasho ee dalka loo wajahayo, wax ka beddelka dastuurka, iyo sababihii dhaliyay fashilkii shirarkii hore ee Muqdisho ka dhacay.

Dhanka kale, mucaaradka ayaa xalay kulan gaar ah yeeshay, iyaga oo ka arrinsanayey qodobada ay hordhigi doonaan xubnaha Beesha Caalamka, waxaana la sheegay inay isku raaceen mowqif mideysan oo ku saabsan doorashooyinka iyo maamulka geeddi-socodka siyaasadda dalka.

Kulanka maanta ayaa si weyn isha loogu hayaa, waxaana la filayaa inuu saameyn ku yeesho jihada siyaasadeed ee Soomaaliya, xilli ay jirto cabsi laga qabo in khilaafka sii daba dheeraada uu carqaladeeyo hanaanka dowlad dhiska iyo doorashooyinka dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidanka NISA oo kala dhex galay Maleeshiyaad ku dagaalamay Gaalkacyo

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee...

RW Xamsa oo kulan la qaatay gudduga Qaran ee Maareynta Khataraha masiibooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre,...

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta akhrinta koowaad maraiiyay heshiis muhiim u ah Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir...

Ciidanka Deegaanka Wargaadhi oo weerar qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo weerar...

Horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay Shabeellaha Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles