Golaha wasiirada oo isku raaci waayay dhaqan gelinta Dastuurka ay ansixisay DFS

Golaha wasiirrada xukuumadda oo shalay yeeshay kulan deg-deg ah, kaas oo lagu balansanaa in go’aan looga gaaro dhaqan-gelinta dastuurka cusub ee kala saaraya xukuumadda iyo baarlamaanka, ayaan wax qoraal rasmi ah oo arrintaas ku saabsan laga soo saarin.

Golaha ayaa dhanka kale shirkiisii deg-degga ahaa kasoo saaray qodobo kale oo la xiriira heshiisyo iyo ansixinta safiiro cusub.

Sida ay Risaala TV xogta ku heshay, xubnaha golaha wasiirrada qaarkood ayaa kalsooni darro ka qaba dhaqangelinta dastuurka cusub, waxayna ka caga-jiidayaan inay baneeyaan mid kamid ah labada xil ee ay hadda isku hayaan, maadaama ay jirto rajo laga qabo in heshiis laga gaaro khilaafka doorashada.

Dhanka kale, beesha caalamka ayaan weli ka quusan dadaallada lagu doonayo in heshiis looga gaaro arrimaha doorashada, halka mucaaradkuna ay ku adkeysanayaan inay qaadi doonaan tallaabooyin haddii dowladda aysan oggolaan wadahadal iyo heshiis siyaasadeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

Badmaax u dhashay Indonesia oo dalkooda ku laabtay

Afar badmaax oo u dhashay Indonesia ayaa maanta dib...

Itoobiya oo MW Xasan Sheekh ku eedeysay “khiyaano”

Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ayaa maqaal dheer oo...

Diyaar garowga Shirka 2-aad ee Guddiga Wadajirka Joogtada ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka socda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa Dardar gelinaysa Diyaargarowga Shirka 2-aad ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles