Wasiir Fiqi oo si adag u weeraray Mucaaradka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si cad u sheegtay in dalka uu galay marxalad “kala-guur” ah, xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo muranka hareeyay doorashooyinka iyo amniga dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in xilliyada kala-guurka ay inta badan soo baxaan kooxo uu ku tilmaamay “dad tuugo ah” oo bulshada qalqal geliya.

Fiqi ayaa yiri:“Xilliyada kala-guurka oo xilliyadan oo kale ah dad badan oo tuugo ah ayaa ummadda khalkhal geliya, kuwaas halkooda ayaan ku cabudhinaynaa, mucaaridkana waxaan u oggol nahay Hotel Jazeera halkaas dadka ha kala hadlaan.”

Hadalka Wasiirka ayaa loo fasirtay weerar toos ah oo afka ah oo uu ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay dowladda ku cadaadinayay arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo maamulka dalka.

Sidoo kale, hadalka “xilli kala-guur” ayaa noqday mid si weyn loogu falanqeynayo baraha bulshada iyo goobaha siyaasadda, iyadoo dad badan ay su’aal gelinayaan waxa ay dowladda uga jeeddo marxaladdan cusub iyo halka ay dalka u horseedi karto.

Mucaaradka Dowladda Federaalka ayaa hore ugu eedeeyay Villa Soomaaliya inay waddo siyaasad cadaadis iyo caburin ah, halka dowladda ay dhankeeda ku doodday inay ilaalinayso amniga iyo xasilloonida dalka.

Xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda iyo mucaaradka ayaa sii xoogeysaneysa, iyadoo hadallada adag ee kasoo baxaya labada dhinac ay muujinayaan jawi siyaasadeed oo aad u kacsan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

Badmaax u dhashay Indonesia oo dalkooda ku laabtay

Afar badmaax oo u dhashay Indonesia ayaa maanta dib...

Itoobiya oo MW Xasan Sheekh ku eedeysay “khiyaano”

Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ayaa maqaal dheer oo...

Diyaar garowga Shirka 2-aad ee Guddiga Wadajirka Joogtada ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka socda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa Dardar gelinaysa Diyaargarowga Shirka 2-aad ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles