Monday, July 27, 2026

Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku dhigay nin dil ka geystay Galgaduud

Ciidamada ammaanka ee degmada Guriceel ayaa gacanta ku soo dhigay Cali Cabdi Jaamac, oo 25 jir ah, kaas oo lagu eedeynayo inuu dil u geystay marxuum Cabdishakuur Xasan Geledi habeenkii xalay deegaanka Madaraso Shiikh Maxamed ee hoostaga Ilix, gobolka Galgaduud.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Booliska Guriceel, howlgalka lagu soo qabtay eedeysanaha waxaa si wadajir ah uga qeyb qaatay Ciidanka Booliska, Nabadsugidda iyo Ciidanka Milatariga.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in eedeysanaha uu haatan ku xiran yahay Saldhigga Booliska Guriceel, halkaas oo ay ka socoto baaritaan rasmi ah oo lagu dhameystirayo caddeymaha la xiriira kiiska, si loogu gudbiyo hay’adaha garsoorka.

Taliska Booliska Guriceel ayaa tacsi u diray ehelada, qaraabada iyo dhammaan shacabka uu ka baxay marxuum Cabdishakuur Xasan Geledi, iyagoo Alle uga baryay inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa iyo asxaabtiisa.

Sidoo kale, taliska ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo laamaha amniga wada-shaqeyntii suuragelisay in si degdeg ah loo soo qabto eedeysanaha, iyagoo xusay muhiimadda iskaashiga bulshada iyo hay’adaha amniga.

Booliska Guriceel ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, ilaalinta shacabka iyo dhaqangelinta sharciga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Milateriga Sudan oo shaaciyey guul ay gaareen

Ciidanka Suudaan ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen...

Iiraan oo u yeertay Safiirka Faransiiska u fadhiya Tehraan

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa ku dhawaaqday in...

Golaha Mustaqbalka oo Fariin Culus u diray dalalka Ciidamada ka Jooga Soomaaliya

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (Somali Future Council) ayaa warqad furan...

Uganda oo ku biirtay dalalka ku tartamaya codka Soomaaliya ee u sharraxan Xilka Xoghayaha Guud ee Q.M

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah ugu biirtay tartanka...

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya Kadib Wasiirro laga hor Istaagay Nairobi

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirka Kenya u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles