Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku dhigay nin dil ka geystay Galgaduud

Ciidamada ammaanka ee degmada Guriceel ayaa gacanta ku soo dhigay Cali Cabdi Jaamac, oo 25 jir ah, kaas oo lagu eedeynayo inuu dil u geystay marxuum Cabdishakuur Xasan Geledi habeenkii xalay deegaanka Madaraso Shiikh Maxamed ee hoostaga Ilix, gobolka Galgaduud.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Booliska Guriceel, howlgalka lagu soo qabtay eedeysanaha waxaa si wadajir ah uga qeyb qaatay Ciidanka Booliska, Nabadsugidda iyo Ciidanka Milatariga.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in eedeysanaha uu haatan ku xiran yahay Saldhigga Booliska Guriceel, halkaas oo ay ka socoto baaritaan rasmi ah oo lagu dhameystirayo caddeymaha la xiriira kiiska, si loogu gudbiyo hay’adaha garsoorka.

Taliska Booliska Guriceel ayaa tacsi u diray ehelada, qaraabada iyo dhammaan shacabka uu ka baxay marxuum Cabdishakuur Xasan Geledi, iyagoo Alle uga baryay inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa iyo asxaabtiisa.

Sidoo kale, taliska ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo laamaha amniga wada-shaqeyntii suuragelisay in si degdeg ah loo soo qabto eedeysanaha, iyagoo xusay muhiimadda iskaashiga bulshada iyo hay’adaha amniga.

Booliska Guriceel ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, ilaalinta shacabka iyo dhaqangelinta sharciga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 31 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hoggaamiyaha sare ee Iiran Mojtaba Khamenei oo amar bixiyey ka dib kulan dhacay

Bogga rasmiga ah ee hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Jamhuuriyadda...

Q.M oo maanta soo xirtay xafiiskeedii siyaasadeed ee Soomaaliya kaddib 13 sano

Qaramada Midoobay ayaa maanta oo ah 31-ka Oktoobar 2026...

Uganda oo Soomaaliya u soo dirtay ciidamo cusub iyo amar culus oo la dul dhigay

Dowladda Uganda ayaa ciidamo cusub oo ka tirsan Guutada...

DFS oo xabsiga dhigtay saraakiishii hoggaaminaysay dagaalkii Jameeco

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay saraakiil ciidan oo...

Uganda oo ciidamadeeda ka saartay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa la sheegay inay 72-kii saac ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles