Monday, July 27, 2026

Mareykanka oo ka digtay rabshado ka dhaca Muqdisho iyo fariin loo diray Xasan Sheekh iyo Mucaaradka

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh khilaafaadka siyaasadeed ee dalka inay muujiyaan is-xakameyn isla markaana ka fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta rabshado iyo xasillooni-darro.

War ka soo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu ku dhiirrigelinayo dhinacyada siyaasadda inay dib ugu soo laabtaan miiska wada-hadalka si xal looga gaaro khilaafaadka taagan, loona ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Fariintan ayaa kusoo beegmaysa xilli xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay hore u soo saareen bayaan wadajir ah oo ay ugu baaqayeen hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay mudnaanta siiyaan wadahadal iyo is-afgarad.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale caddeysay inay diyaar u tahay inay fududeyso ama dhexdhexaadiso wada-hadallada Soomaalida haddii loo baahdo, si loo helo xal siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Beesha Caalamka ayaa ku adkaysatay muhiimadda ay leedahay in dib loogu laabto wadahadal iyo heshiis siyaasadeed, si looga hortago xaalad kasta oo sii xumeyn karta mustaqbalka siyaasadeed iyo amniga Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Yahuudda la dajiyay Daanta Galbeed ayaa gubay masaajidyo, gawaari iyo beero

Saraakiil Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in Yahuudda la deegaameeyayay...

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen daroon lagu sameeyay Turkiga oo Sacuudigu isticmaalayay

Yahya Saree, oo ah afhayeenka xoogaga Xuutiyiinta Yemen, ayaa...

Iran iyo Maraykanka oo sheegay ‘in ay dib u bilaabayaan wadahadalada

Wakaaladda Wararka ee Anadolu ayaa, iyadoo soo xiganaysa ilo...

Puntland oo digniin u dirtay DFS iyo Galmudug

Maamulka Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadashay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles