Sunday, July 26, 2026

Waan-waan Siyaasadeed oo ka Bilaabatay Muqdisho

Waxaa socda dadaallo lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kaddib markii xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo ergo ka ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay gaareen guriga Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ergadan ayaa la sheegay inay kala hadlayaan sidii loo dejin lahaa khilaafka siyaasadeed iyo muranka ka dhashay dibadbaxyada ay mucaaradku qorsheynayaan inay ka dhigaan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, xubnaha ergada ah ayaa horay kulan ula yeeshay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, balse wararka ayaa sheegaya in kulankaasi uu kusoo dhammaaday natiijo la’aan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad uga hortimid dibadbaxyada mucaaradka, iyadoo sheegtay in la oggol yahay oo keliya goobo cayiman oo lagu qaban karo bannaanbaxyada, halka mucaaradkuna ay diideen shuruudahaasi, taasoo sii kordhisay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho.

WARARKII KALE

Puntland oo digniin u dirtay DFS iyo Galmudug

Maamulka Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadashay...

Xildhibaanada BF oo dood ka galay xiisadda-siyaasadeed ee Mudug

Dood adag ayaa ka dhalatay kooxda WhatsApp-ka ee ay...

DF oo baaq deg deg ah ka soo saartay dagaal beeleedka ka Socda Gobolka Sanaag

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war rasmi ah ka soo...

Trump oo Hakiyay Weerar Ballaaran oo lagu qaadi lahaa Iiraan

Warbaahinta rasmiga ah ee Israa’iil, KAN News, ayaa sheegtay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo sheegtay inay iska difaaci doonto hanjabaadaha Maraykanka

Iiraan ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay difaacdo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles